R/W Xamza oo laba arrin ka dalbaday ganacsatada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dalbaday ganacsatada Somaaliyeed laba arrin oo muhiim ah, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Mudane Xamza ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, isaga oo ka dalbaday inay gacan ku siiyaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaaraha ka dalbadya ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo uu sheegay inay u baahan yihiin furdooyin ay ka-waaridaan ganacsigooda.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka.

Waxa uu xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo, isaga oo hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in si taas loo xaqiijiyana xukuumaddiisa ay meel-marisay sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo la aasaasay 2016-kii ayaa waxa xubno ka ah 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana shirka maanta u furmay looga hadlaya fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.