25.2 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Dhalinyaradii gabadha ku kufsaday Galdogob oo xukun lagu riday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow go’aan laga gaaray waxa uu noqon doono xukunka dhalinyaradii kufsiga kula kacday Gabar da’ yar oo kamid ahaa Gabdhaha Galdogob.

Kiiska Dacwada dhalinyaradaani oo ay isla arkeen Xukun gooyayaasha Maxkamada degmada Galdogob iyo Guddi Culimo ah, ayaa waxaa la sheegay in xukunkooda la gooyay isla markaana leysku raacay in la jeeladeeyo dhalinyarada isla markaana laga qaado mag’dhaw.

Giddiga Culimaa’u diinka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi la marinaayosharciga, isla markaana xukunkooda uu yahay Jeedal iyo magdhow, sida ay gooyeen Culimada.

Culimada ayaa sheegtay in xukunkaasi ay u mareen waxa uu sharciga Islaamka ka qabo qodobka Kufsiga ah.

Go’aan gaarayaasha Maxkamada iyo Guddiga Culimaa’u diinka ayaa sidoo kale, eegay haddii ay dhacdo in Gabadhaasi ay u geeriyooto falka Kufsiga iyo dhaawaca kasoo gaaray Tooreyda lagu dhuftay, ayaa waxaa leysla gartay in Kiiskaasi uu dib usoo bilaaban doono, bacdamaa uu burburaayo xukunka hadda dhacay.

Dhinaca kale, Saraakiisha Maxkamada degmada Galdogob iyo Guddiga Culimada ah, ayaa lagu wadaa in Goor dhow ay shaaciyaan Xukunka ku dhacay Ragga Kufsiga geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News