Dhimashada iyo dhaawaca dagaalka Laascaanood ka qarxay maanta oo kordhay

Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi.

Iska hor-imaadkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland.

Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, sheegayna inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.