R/W Xamza oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka iyo DF oo qaadeysa tallaabo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka, xilli dowladda ay sii xoojineyso dagaalka saddexda jiho ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabad-sugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howl-galada lagu cirib-tirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasillinta deegaanada la xoreeyey kooxda, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa sidoo kale kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maal-gelinta argagixisada.

Waxay la wadaagtay Golaha in la xiray akoonno bangi oo hor leh, oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taasi oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaalamo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay.

Sidoo kale waxa uu faray dhamaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan xarunta warbixinnada Maaliyadeed (FRC). Wuxuuna ra’iisul wasaaruhu uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo R/Wasaare Xamza ayaa ahmiyadda koowaad siinaysa dib-u-xoraynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, ayada oo dagaalkana ka wada jihooyin dhowr ah oo ay qeyb ka tahay wiiqida dhaqaale ee kooxaha argagixisada.