Ergeyga gaarka ah ee Xasan Sheekh oo war kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood.

Ergeyga ayaa waxa uu ayaan-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Waxa uu ku baaqay in colaadda dagaal ee Laascaanood si degdeg ah loo joojiyo, isaga oo xusay in arrinta taagan ay tahay mid xalkeedu siyaasad yahay oo wada-hadal iyo wada-xaajood u baahan.

“Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joojiyo. Waxaan Alla uga baryayaa in uu dadkii ku dhintay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Awood is maquunis irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka uu xil ka saaran yahay ilaalinta madax-banaanida, midnimada iyo wada-jirka dhulka Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in loo baahan yahay fara-gelin dhankeeda ah oo la xiriirta xiisada Laascaanood ee dagaalka isku rogtay.

“Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhifada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay, qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.”

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.

Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa hadda ka hadlin dagaalka Laascaanood, ayada oo dadka reer Khaatumo ay sheegeen in ay kamid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed.