Jawaabta maamulka Puntland ee dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo farriin u diray beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in waxa ka socda Laascaanood aan indhaha laga qarsan karin, uuna masuuliyadeeda qaadayo maamulka Muuse Biixi.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan go’aamadii kasoo baxay Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, isaga oo sheegay in ay ku garab taagan yihiin ka maamul ahaan.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen xasuuq iyo barakac joogto ah oo uu ku hayo maamulka Somaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo.”

Waxa kale oo uu yiri “Taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.