Xukuumadda oo raali-gelin ka bixisay gabood-falladii ay horay u geysatay NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo maanta ka hor hadlay xildhibaanada golaha shacabka markii ay sharciga NISA ansixiyeen kadib, ayaa raali gelin ka bixiyey gabood-falladii ay horay u geysatay hey’daas.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in magaca hey’adda NISA horay dhibaatooyin badan loogu geystay, isagoo sheegay inuu ka xunyahay waxyaabihii xumaa ee horay u dhacay.

“Xildhibaan kasta oo u codeeyey sharcigaan wuxuu ku metelayey beeshiisa, si dhibaatada looga leexiyo dadkiisa, waxaad tirtirteen magac xumadii lagu sameeyey hey’addaan, waxaan ka raali gelinayaa dadkii Soomaaliyeed ee magaca hey’adda NISA dhibaatada loogu geystay,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay in wax weyn ay ka dhigan tahay in 53 sano kadib ay maanta suurta-gashay in la sharciyeeyo hey’adda NISA oo muhiim u ah amniga qaranka.

Sharcigaan oo ahaa mid xasaasi ah ayey Golaha Shacabku marsiiyeen saddex akhrin oo ay uga doodayeen qodobada qaar ee sharcigaan oo noqonaya kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Seddax maalmood oo dood iyo akhrin ah kadib 144 xildhibaan ayaa sharcisan si aqlabiyad leh ugu codeeyay maanta, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, waxaana diiday hal mudane, sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka.

Dhinaca kale Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla maanta ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigaan.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo senatorrada  Aqalka Sare, isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Mahad Salaad wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigaan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo hadda hadafka koowaad u ah dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo