Diyaarad ay leedahay QM iyo shaqaale saarnaa oo u gacan galay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online)  – Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobe iyo shaqaale la socday ayaa u gacan galay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay si khaldan ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareedyada Caasimada Online. 

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni oo la hadlay Caasimada Online. 

Diyaaradda iyo shaqaale la socday, oo la sheegay inay gaarayaan illaa toddoba qof, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab, ayey sheegeen ilo-waeedyada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn sababta keentay in diyaaradda ay halkaas ku degto, balse xog horudhac ah ayaa sheegeysa inay ku timid cilad farsamo oo qasabtay inay sameyso degitaan aan horey loo qorsheyn. 

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay sidday dawo, islamarkaana cilad ku timid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto degaanka Xiindheere.

Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Qaramada Midoobe oo aan isku daynay inaan la xiriirno weli kama jawaabin.

Wixii kusoo kordha warkan goordhow kala soco Caasimada Online, Inshaa Allah.