Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin militariga Mareykanka ah, ayaa ku soo dhacday oo ku burburtay koonfurta Soomaaliya horraantii toddobaadkan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Diyaaradda ayaa markii ay soo dhaceysay ku jirtay howlgal indha-indheyn ah, oo ka mid ah kuwa ay sida joogtada ah ciidamada Mareykanka uga sameeyaan Soomaaliya.
AFRICOM ayaa sheegtay in baaritaan la bilaabay si loo go’aamiyo sababta ay u dhacday diyaradda oo neeceedu yahay MQ-1C Gray Eagle.Â
Shilka, si kastaba ha ahaatee, uma eka inuu ka dhashay isku day lagu doonayey in lagu soo rido diyaaradda, ayuu yiri taliska fadhigiisu yahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.Â
Diyaaradaha Gray Eagle, oo aan duuliye laheyn, ayaa loo isticmaalaa kor joogteyn ama indha-indheyn iyo sidoo kale in ay fuliso weeraro.Â
Waxay ka howlgali kartaa hawo ilaa 29,000 oo feet u jirta dhulka, waxayna awood u leedahay inay xambaarto afar gantaal oo culus.Â
Ciidamada AFRICOM ayaa sanado badan si joogto ah u joogay Soomaaliya, si ay u caawiyaan ciidamada maxalliga ah ee ku lugta leh dagaalka tobanaan sano socday ee lagula jiray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Marka laga soo tago tababarka iyo la-talinta ciidamada Soomaaliya, ciidamada Mareykanka ayaa fuliya howlgalo indha-indheyn ah, iyo duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada cadowga ayaga oo kaashaanaya dowladda federaalka Soomaaliya.
Labadii sano ee la soo dhaafay, tirada duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa aad hoos ugu dhacay Soomaaliya. Sanadkii 2020, AFRICOM waxay dalka ka fulisay 63 weerar. Sannadkan wax ka yar 10 weerar ayaa dhacay, sida lagu sheegay xogta AFRICOM.