Sawirro: Diyaarad UGANDA kasoo duushay oo maanta ku dhacday garoonka Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle

Wararka ayaa sheegaya in garoonka ay ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada, una rarnayd ciidanka ATMIS ee ka howlgalka magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shilka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadkii saarnaa diyaaradda la badbaadiyay, isla markaana uusan jirin khasaare soo gaaray, marka laga tego burburka diyaaradda.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dyaaradda uu dab qabsaday, inkasta oo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.

HirShabelle oo faahfaahin ka bixisay shilkan ayaa sheegtay inay diyaaradda ku timid cilad, kadibna ay ku dhacday garoonka, sidoo kaleena diyaaradda ay wadday saanad ciidan, taas oo kasoo duushay dalka Uganda, sida uu Shabelle TV u sheegay mareeyaha garoonka.

“Diyaaraddaas waxa ay kasoo duushay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxay saanad iyo macallimiin tababar u waday ciidamo dagan garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar” ayuu yiri maareeyaha guud garoonka magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana diyaaradda soo dhacday gurmad u sameeyay madaxda gobolka iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan halkaasi.