Madaxweyne Recep Erdogan oo ku dhowaaqay go’aan siyaasadeed oo lama filaan ah

Ankara (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in doorashada dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay la qabto 31-ka Maarso ay noqon doonto codkiisii ugu dambeeyay, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Erdogan, oo ah siyaasiga casrigan ugu guulaha badan Turkiga, ayaa dalkaasi hogaaminayay in ka badan labaatan sano. Waxa uu ku guuleystay in ka badan 12 doorasho tan iyo 2002-dii, iyadoo Erdogan mar kale madaxweyne loogu doortay shan sano oo cusub doorasho la qabtay bishii May ee 2023-kii.

“Tani waxa ay ii tahay tii u danbeysay sida uu dhigayo waajibaadka sharcigu i siiyay, tani waa doorashadii iigu dambeysay,” ayuu yiri Erdogan.

“Natiijada soo bixi doonta waxa ay noqon doontaa ku wareejinta dhaxalka ee walaalahay hoggaanka igala wareegi doona” ayay ka soo xigatay Anadolu in uu yiri Erdogan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qabto shir madaxeedka nabadeed oo u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine. Erdogan ayaa dalabkan jeediyay Jimcihii mar uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy kula kulmay Istanbul.

Turkiga oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa isku dayaya in uu isku dheelitiro xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Kyiv iyo Moscow. Erdogan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib kulankii uu la yeeshay Zelenskyy ku sheegay in uu rajaynayo in Ruushka uu aqbalo dalabka Turkiga.

Zelenskyy ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ka mahadcelinayo taageerada Turkiga. Waxa uu sheegay in uu danaynayo xoojinta iskaashiga labada dhinac, ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee marta badda madow, iyo in Ukraine ay wada shaqeyn la yeelato shirkadaha difaaca ee Turkiga.

REUTERS + AP