29.9 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Doorashada madaxweynaha oo bilaabatay iyo xildhibaanada oo codeynaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Doorashada Madaxweynaha Somalia, taa oo ka dhaceysa xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa si wada jira uga qeybqaadanaaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo gabi ahaantooda iminkaba ku sugan xarunta ay Doorashadu ka dhaceyso.

Hoolka ayaa waxaa sidoo kale jooga Musharaxiinta 22 ee u taagan qabashada xilka kuwaa oo naawilaaya in mid waliba kusoo baxo Doorashada.

Waxaa sidoo kale ku sugan guddiyo ka socda Beesha Caalamka oo indha indheyneysa qaabka Doorashada kuwaa oo loogu magacdaray martisharaf.

Xildhibaanada codka bixin doona ee ku sugan Hoolka Doorashada ayaa la sheegay inay dhanyihiin 329-Xildhibaan kuwaasi oo loo idmaday inay Madaxweyne cusub doortaan.

Doorashadan ayaa ah mid adag lana aaminsan yahay in ay ugu yaraan laba ama saddex wareeg ay marayso, waa adag tahay in musharax keliya la saadaaliyo, waxaana qiyaasta saxda ah soo bixi kartaa wareega hore.

Waxaa tartami doona 22-tan musharax madaxweyen oo kala ah:-

1 Sheekh Shariif Sheikh Axmed

2 Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

3 C/qaadir Cosoble Cali

4 Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5 C/raxmaan C/shakuur Warsame

6 Jibriil Ibraahim Cabdulle

7 Xasan Sheekh Maxamuud

8 Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

9 Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

10 C/naasir Maxamed Cabdulle

11 Cali Xaaji Warsame

12 Saciid C/laahi Dani

13 Maxamed Maxamuud Culusow

14 Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.

15 Saciid Ciise Maxamuud

16 Bashiir Raage Shiiraar

17 C/laahi Ciilmooge Xersi

18 C/laahi Cali Gees.

19 Axmed Maxamed Cabdi.

20 Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.

21 Maxamed cali Jabarti

22 Maxamed C/risaaq

Geesta kale, Madaxweynaha la doorto ayaa noqonaya Madaxweynihii sagaalaad ee Jamhuuriyaddu yeelato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News