Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhamaaday Wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha Somalia taa oo ka socta Xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni.
Wareega 1-aad ee Doorashada ayaa waxaa codeeyay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee ka kooban labada Aqal.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa goordhow bilaabay tirinta Codadka Wareega 1-aad oo ay heleen Musharaxiinta, waxaana suuragal ah in loo gudbo Wareega labaad waa haddii ay Musharaxiinta ku kala hari waayan Codeynta iyo Wareega 1-aad.
Guddigga Doorashada ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa, si bey yiraahdeen loo tiriyo Codadka.
Guddiga ayaa tirinta Codadka kadib ku dhawaaqi doona Codadka ay kala heleen Musharaxiinta iyo inay suuragal tahay in loo gudbi doono Wareega xiga.
Lama oga sida loo kala codbadin doono waxaana la saadaalinayaa in loo gudbi doono Wareega labaad maadaama Musharaxiintu ay aad u farabadan yihiin isla markaana kala miisaan badan yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

