24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Farmaajo oo ku horeeya codadka iyo Xasan oo ka daba ordaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si toos ah xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni uga bilowday tirinta Codadka ay Musharaxiinta ka heleen Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Tirinta Codadka ayaa waxaa bilaabay Guddiga ku magacaaban Doorashada, waxaana ilaa iyo hadda ugu horeeya Musharaxa Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”.

Guddiga gacanta ku haya tirinta Codadka ayaa afartii warqadoodba soo saaraya Warqada codeynta Farmaajo, waxaana ka daba dhow Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxaamuud iyo Cumar C/rashiid.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa ilaa iyo hadda heysta codad kor u dhaafaya 20, halka Musharaxiinta kale ay heystaan codad aad u hooseeya.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Wareega Koowaad Musharaxii helaa 219 Cod uu noqonayo Madaxweynaha Somalia ee 4 Sano ee soo socota.

Dhinaca akle, Wareega Labaad ayuu sheegay in ay u gudbi doonaan 4tii Musharax ee ugu Cod badan.

Doorashada ayaa u muuqaneysa in loo gudbi doono Wareega labaad haddii ay sidaan kusii socoto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News