Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday tirinta Codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee u kala codeeyay Musharaxiinta.
Musharaxiin dhan ilaa 4 Musharax ayaa helay codadka ugu badan, waxaana la sheegayaa in Musharaxiinta helay codadka yar ay harayaan.
Wareega labaad ayaa waxaa usoo gudbi doona Musharaxiinta kala ah:
Xasan Sheekh Maxamuud 88 cod.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) 72 cod.
Shariif Sheekh Axmed 49 cod.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke 37 cod.
Guddiga Doorashada, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa galay nasiin yar waxaana lagu wadaa in leysku soo laabto si loo shaaciyo codadka.
Doorashada ayaa iminka mareysa meel xasaasi ah waxaana la gali doonaa Wareega Labaad, iyadoo ay u gudbi doonaan 4 Musharax.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

