28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha oo loo gudbay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow loo gudbay Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha taa oo ka dhaceysa xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa isugu soo haray Musharaxiinta kala ah Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) 72 cod, Xasan Sheekh Maxamuud 88 cod, Shariif Sheekh Axmed 49 cod, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke 37 cod.

Musharaxiinta qaar ayaan usoo gudbin Wareega labaad waxa ayna ku hareen Wareega Koowaad kadib markii aysan helin codad ku filan.

Doorashada ayaa mareysa meel xasaasi ah waxaana laga yaabaa in leysla gaaro wareega 3-aad, maadaama ay Musharaxiintu aad isugu dhow yihiin.

Dhinaca kale, waxaa mar kale bilaabtay Codeynta Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana ay ku ridayaan warqadaha Sanduuqa codeynta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News