DEG DEG: Fannaan caan ah oo goordhow Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegay in Kooxo Bastoolado ku hubeysan ay qadar yar un ka hor toogasho ku dileen mid kamid ah Fannaaniinta caanka ka ah magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkaani Bastooladaha ku hubeysnaa ayaa goordhow Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku khaarijiyay Fanaanka Cabdi Maxamed ”Safaari” oo ka tirsan Kooxda Onkod.

Dilka Fannaankaani ayaa ka dhacay agagaarka Masaajid ku yaala Degmada Waabari waxaana lasoo sheegayaa in lagu dhuftay ilaa Afar xabadood.

Abwaan Maxamed Maxamuud Shido oo kamid ah Abwaanada sida dhow ula shaqeynaayay Fannaanka ayaa xaqiijiyay dilka Fannaan Safaari.

Maleeshiyaadka ku hubeysnaa Bastooladaha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana la soo warinayaa in ciidamo ka tirsan Booliska ay Meydka halkaasi ka qaaden.

Qeybo kamid ah Degmada Waabari ayaa waxaa hadda ka socda howlgal lagu baadigoobaayo maleeshiyaadka dilka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com