DEG DEG: Korneel saaxiib lahaa Goobaale oo isna caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir lagu dilay Col. C/llaahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga dalka.

Dilka Korneelka ayaa waxaa goordhow xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad, waxaana dilkaasi geystay Kooxo hubeysan.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Maleeshiyaadkii dilka fuliyay, iyadoo ay halkaasi gaaren ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Degmada Hodan.

Marxuum Col. C/llaahi Sabriye Cabdulle, ayaa kamid ahaa Saraakiisha sida aadka ah ay saaxiibada u ahaayeen Jeneraal Goobaanle, waxa uuna magac ku dhex lahaa Saraakiisha ciidamada dowlada.

Dilka C/llaahi Sabriye Cabdulle ayaa ku soo aadaya Xilli maanta weerar ismiidaamin ah lagu dilay Saaxiibkii Gen. Goobaale oo isna magac ku dhex lahaa dalka.

Waxaa sidoo kale dilka Col. Cabdullaahi Sabriye uu imanaya ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in dilka Goobaale uu siyaasad ku lug lee yahay sida ay Caasimada Online xog ku heshay. Halkan ka aqri.

Arrintan ayaa sii xoojin karta shakigii horey loo qabay ee ahaa inay jiraan arrimo weli aan caddeyn waxa ay yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com