Sawirro: AMISOM oo Muqdisho ka wadda arrimo laga naxo iyo DF oo dhagaha ka fureysata

Muqdisho (Caasimada Online) – Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa goordhow Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ku jiiray Mooto Bajaaj ay la socdeen ilaa Seddex ruux oo laba kamid ah lagu sheegay inay ahaayen dumar, halka qofka Seddexaad uu ahaa wiil dhalinyaro ah.

Kolonyada ciidamada AMISOM ayaa falkaasi kadib ka dhaqaaqay goobta ay ku jiiren dadkaasi shacabka ah, iyadoo ay markii danbe ku baxeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Ciidamadaani ka tirsan dowlada ayaa kolanyada u diiday inay ka gudbaan wadada waxa ayna ku qabteen xili ay marayeen Isgooyska Banaadir.

Ciidamada AMISOM ayaa markii hore ka biya diiday in gaadiidkaasi ay u istaagan waxaana la sheegay in muran iyo is ceer ceersi dheer kadib ay ciidamadu qaaten inay galeen gaf shacab.
amisom
Ciidamada ayaa ku dooday in Mootada ay isku dhigtay gaariga xili ay u yeerinayeen hoonka gaariga, hayeeshee ay sidaa ku jiiren.

Dad shacab ah ayaa goobta ka qaaday dadkii dhaawaca ahaa iyagoo xili danbe la geeyay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa si ula kac ah ku jiira dadka shacabka ah ee wadooyinka u kala goosha iyo kuwa saaran gaadiidka BL-ka, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdooyin soo laalaabtay oo aysan dowladu ka hadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com