Soomaaligii weerarka ka fuliyey Mareykanka oo la aqoonsaday iyo su’aal yaab leh oo uu dadka weydiinayey

Saint Cloud (Caasimada Online) – Ninkii weerarka ka fuliyey mool lagu dukaameysto oo ku yaalla magaalada Saint Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah loo shaaciyey inuu ahaa wiil Soomaali ah.

Taliyaha booliiska St. Cloud William Blair Anderson ayaa sheegay in wiilkaas lagu magacaabi jiray Daahir Axmed Aadan uuna dhiganayey jaamacadda Saint Cloud Community College ee magaaladaas.

Daahir oo 22 jir ahaa ayaa dalka Mareykanka soo galay 15 sano ka hor.

Taliye William ayaa sheegay in aabaha dhalay Daahir oo lagu magacaabo Axmed Aadan ay ku wargeliyeen in wiilkiisa ay dileen booliiska.

Daahir Axmed Aadan oo weerarka oo uu adeegsaday mindi ku dhaawacay sagaaal qof ayaa waxaa toogtay sarkaal boolis ah oo xiligaas aan shaqo ku jirin, balse suuqa ka dukaameysanayey.

Qaar ka mid ah dadkii suuqa ku sugnaa ayaa sheegay in Daahir Axmed Aadan uu dadka weydiinayey inay muslimiin yihiin iyo in kale kahor inta uusan mindida la dhacin.

Weerarka ayaa si rasmi ah loo sheegay inuu ahaa ficil argagixiso, waxaana baaritaankiisa la wareegay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da.

Lama oga illaa iyo hadda in Daahir uu xiriir la lahaa koox argagixiso iyo inuu kaligiis weerarka gaystay kadib markii uu u hogaansamaya baaqyada argagixisada ee ahaa in weeraro laga fuliyo dalalka reer Galbeedka.

Falkan ayaa diiradda kusii xoojan doono Soomaalida gobolka Minnesota oo horey u ahaa gobolka baaritaanada argagixiso ee ugu badan Mareykanka laga fuliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com