Qaraxyo Caawa lagu weeraray mid kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banadaair.

Qaraxaani oo dhawaqiisa inta badan laga maqlaayay degmooyinka kale ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

Qaraxa ayaa lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha, waxaana la sheegayaa in xiliga uu weerarka dhacaayay uu Guddoomiyaha ka maqnaa hooygiisa, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan maamulka Degmada.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha kuwaasi oo xiliga Qaraxa uu dhacaayay ku sugnaa ilinka hore ee Guriga Guddoomiyaha.

Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa weerarka kadib ooda ka qaaday rasaas xoogan oo la sheegay in qaarkood ay haleeshay dad shacab ah oo xiligaasi maraayay meel ku dhow hooyga Guddoomiyaha.

Geesta kale, Ciidamada Degmada ayaa wada baaritaano lagu baadi-goobaayo Kooxihii ka danbeeyay weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com