Xog: Maxaa laga filan karaa kiiska badda Soomaaliya ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamdda Hague ee dalka Nederlands ayaa maanta oo Isniin ah u fadhiisanaysa qaadistii dacwaddii ay dawladda Somalia u gudbisay ee ku saabsaneyd xadgudubka Kenya ee biyaha badda.

Maxkamadda ayaa horay u hakisay sii wadida dacwadda ay soo gudbisay Somalia,waxaana marka loo cus-kaday xerarka ama Article 79, farqada 5aad ee sharciga caalamiga ah.

Maxkamadda go’aan kama gaareyso cidda wax leh ama yaa khaldan ee waxay go’aan ka gaareysaa maxkamadan xaq ma u leedahay inay dacwaddaan qaado iyo in kale.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somalia Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay bilaabanayso arimaha la xiriira Dacwada, balse waxa uu dhankiisa ka sheegay in arinta maanta loo fariisanaayo ay tahay is-hor istaag Kenya ay ku sameysay sii socoshada Dacwada Badda.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in Dacwadaani ay tahay mid iska muuqata, balse ay dowlada Somalia dooneyso inay indhaha caalamka tusto khaladaadka laga galaayo Somalia oo burburka kasoo kabsaneysa.

Khudbada ugu horeysa ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha inuu qaadan doono Garyaqaanka Kenya, halka maalinta Talaaddada ah la dhageysan doono Khudbada Somalia.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay kalsooni badan ku qabaan in dacwadaasi ay kusoo dhammaan doonto guul, waxa uuna sheegay inay filayaan go’aano farxad galsha Umadda Soomaaliyeed.

Tan iyo sanadkii hore ayay dacwadan soo jiitamaysay,waxaana ay timid markii Kenya ay ku soo xad-gudubtay biyaha badda Soomaaliya,taaso dowladda ay ka hor-timid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com