Xog: Xasan Sh. oo ay caqabado ka heystaan warqado horyaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhowdhow Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ay caqabado ka heystaan saxiixa Warqado dhowr ah.

Warqadahaani caqabada ku noqday Xassan Sheekh ayaa la sheegay inay isugu jiraan Magacaabis iyo Warqado heshiisyo heer caalami ah, hayeeshee Wakhtiga oo ka dhamaaday darteed ayaa sabab looga dhigay in Xassan uusan Saxiixi karin warqadahaasi.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madxaweyne Xassan Sheekh uusan xiligaani awood u laheyn inuu xilal magacaabo misna uu Saxiixo Heshiisyo waaweyn, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in wakhtiga uu ka idlaaday sidaa aawgeedna uusan awood u laheyn waxyaabaha qaar.

Warqadaha qaar ayaa la sheegay in Madaxweynuhu uu ka mashquulay balse iminka dib loo soo saaray warqadahaasi xili ay dhammaatay awoodii badneyd.

Xassan Sheekh ayaa inta uusan wakhtiga ka dhammaan siyaabo kala duwan ku saxiixay Warqado dhowr ah oo u badnaa magacaabida xilal cusub waxaana Warqadahaasi kamid ahaa Magacaabida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab oo isaga si degdeg ah loo magacaabay Wasaarada Cadaalada.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xassan ayaa iminka awoodiisa isugu geeyay ka qeybgalka Munaasabadaha lagu taageeraayo iyo howlaha la xiriira ololihiisa doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com