Hadal kasoo yeeray Boorsaani oo dhaliyay xasarad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay mamnuucida Dibadbaxyo lagu qabto magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaaya in go’aanka maamulka uu durbaba abuuray xasarad Siyaasadeed.

Qaar kamid ah Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiin dhowr ah ayaa sheegay in go’aankaasi uusan aheyn mid sharci ah islamarkaana aysan u hogaansami doonin.

Musharaxiinta waxa ay sheegen in go’aankaasi uu yahay mid la siyaasadeeyay, haye ahaatee uu yahay mid u gaar ah Madaxtooyada Somalia iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mid siyaasad ka dambeysay, isla markaana aanay wax sharciyad ah ku dhisneyn.

Tarsan waxa uu sheegay in Go’aankaasi uu yahay mid xaaran ah waxa uuna cod dheer ku sheegay in mowqifkooda aysan uga weecan doonin go’aano lagu soo dhoodhoobay xarunta Gobolka Banaadir.

”Waxaan leeyahay adeer go’aankaasi halka aad kala imaaday kula laabo magaalada Muqdisho haddii laga mamnuucaayo banaanbaxyo waxa ay aheyd in goor hore la mamnuuco, wax waliba oo xiligaani la mamnuuco waxaan u aragnaa arrin siyaasadeed mana aqbali doono”

”Waa wakhti doorasho lagu jiro, shirar baa dhici karaa, hadii qalad yimaado waa in banaanbaxyo la sameeyaa, mowqifkeenu waa halkiisa kamana weecan doono”

Waxa uu sidoo kale, sheegay Tarsan in go’aankan uu si toos ah uga hor imaanayo dastuurka, isagoo xusay in wax ruqsad ah looga weydiisan doonin arrintan Maamulka Gobolka Banaadir.

Haddalkaani xasarada Siyaasadeed abuuray ayaa waxa uu imaanayaa kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu shaaca ka qaaday inaanu Muqdisho lagu qabankarin wax banaanbaxyo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com