Xog-warran: Maqaamka magaalada Muqdisho (Qaybtii Koowaad)

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

(1960 – 1969) – (1969-1991) – (1991-2016)

Muqdisho waa caasimadda Dawlada Federalka Soomaaliya, waana magaalada ugu weyn dalka waxaa ku nool dad lagu qiyasay in ka badan sadax milyan, waxay xarun dhexe u tahay siyaasadda iyo ganacsiga dalka, waxaa ku sugan hey’adaha siyasadda sida Baaralamaanka, Fulinta, Maxkamadda Sare, Bankiga dhexe, xafiisyada hay’adaha madaxa banana iyo xafiisyada diblomaasiyinta dowladaha safaaradaha ku leh dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo gobolada ka kala yimid. Caasimaddu waxa ay ka mid tahay arrimaha sida badan si guud loogu xeerinayo dastuurada federaalka ah, wixii sharci ah oo la sameynaayana waa in la waafajiyaa dastuurka federaalka taas oo ay kala mid noqonayso dowlad-gobaleedyada wadanka intiisa kale ka dhalanaysa.

Taariikh ahaan maqaamka magaalada Muqdisho marwalba wuxuu xiriir la lahaa hadba nidaamkii dowladeed ee dalka ka jiray waxaan halkaan ku soo bandhigi doonaa qabaabkii ama nidaamyadii aay soo martay laga soo bilaabo goortii aan xornimada qaadanay ilaa maalinka maanta aaynu joogno 2016 iyo sidoo kale fikrkayga ku aadan Gobolka Banadir.(Magalada Muqdisho) xaquuqda aay leedahay iyo Hiilada aay inooga baahan tahay maanta iyo muqstaqbalkaba.

Nidaamkii Rayadka (1st July 1960- 21 Oct 1969)

Xilligaan waxaa dalka lagu dhaqayay nidaam diimoqraadi dastuuri ahna barlamaani oo ku dhisanaa qaab tartan axsaab Xisbiyo badan oo doorasho ugu tartamaaya xukunka dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaqaayay sharci maamul lambarkiisuna ahaa 21 oo soo baxay 1950. Magaalada waxay lahayd maamul dowlad hoose oo madax banaan oo ka kooban Gole-deegaan oo uu madax u yahay Duq-magaalo. Golaha deegaanka wuxuu ka koobnaa 25 xubnood oo laga soo dooranaayay dadka deegaanka (natives) kuwaas oo ka soo tartami jiray axsaabtii markaas dalka ka jirtay.

Golahan ayaa iska dhex dooran jiray Duqa magaalada, waxayna ka caawini jireen go aan qaadashada iyo fulinta howlaha maamulka. Dowladda Hoose ee Muqdisho waxay lahayd qaab-dhismeed maamula sida: Duqa Magaalada, Agaasimka;- Maaliyadda, Canshuuraha, Dhul-bixinta, Nadaafada iyo Fayo-dhowrka, Dad-dhigida iyo Warqadaha Dhalashada.

Magaalada waxay maamul ahaan u qaybsaneyd xaafado sida: Xamar weyne, Shingaani, Weliyow Cade/howlwadag, Xamar Jab-Jab, Campo Amxaro, Campo Lodgio, Shibis, Anzilotti, Bondhere, Wardhigley iyo Hodan. Xilligan Muqdisho waxay soo martay seddax xilli doorasho iyo hal xilli magacaabis ah.  Seddaxda jeer ee doorashada waxaa ku guleeystay Mudane Axmed Muude (2 jeer) iyo Cumar Sterlin (1 mar). Magacaabis waxaa ku kala yimid Sheikh Jamaal (maamulkii ku meelgaarka ee kontonkii ilaa lixdankii, Mohamed Sharif Caydaruus iyo keenidid.

Nidaamkii Millateriga iyo Hantiwadaagga (Oct 1969- 25 Jan 1991)

Xilligaan maamulka kacaanku Muqdisho wuxuu ka dhigay magaalo gobol ah, waxaana loo bixiyay Gobolka Benaadir. Magaalada xilligan waxaa kordhay tirada dadka ku nool sababtuna waxa ay aheed ayadoo adeegyadii dalka intooda muhimka ah la isugu keenay Caasimaddda, waxana laga hirgeliyay mashaariic aad u fara badan oo horumarin ah sida: dugsiyo waxbarasho, isbitaalo, waddooyin, warshado iwm, Maamulka wuxuu si toos ah u hoos imaanayay Madaxtooyada, waxuuna ahaay magacaabis, dhamaan xilalka sare ee Dowladda Hoose sida Duqa Magaalada iyo Agaasimayaasha oo kale, waxaa si toos ah looga soo magacaabaayay Madaxtooyada, wax tixgelin ahna lagama siin dadka deegaanka u badan. Maamul ahaan magaalada waxay u qaybsaneed 14 degmo oo kala ahaa:

Xamarweyne, Shingaani, Boondheere, Shibis, Wardhiigleey, Cabdulcasiis, Kaaraan, Yaaqshiid, Xamar Jab-Jab, Waaberi, Hodan, Howlwadaag, Wadajir iyo Dayniile. Qaybaha maamul ee Gobolka Benaadir, waxay adeegga asaasiga ah siinayeen dadweynaha ku dhaqan degmo kasta, waxayna arrintan fududyneeysay gaarsiinta adeegyada deegaanda, isla markaasna, waxay kaloo fududeyneeysay soo uruurinta dakhliga iyo ka warhaynta daruufaha amniga ee degmooyinka.

Xilligan magaaladda Muqdisho maqaamkeeda sharci wuxuu ahaa kii lexdankii oo madax banaanidii iyo dorashadii la baabi iyay, laguna beddelay magacaabis.  Sharciyada maamul ee lagu dhaqaayana waxaa dejin jirtay dowladda dhexe. Maamulku wuxuu soo saari jiray xeer maamul (Administrative Regulation) oo la xiriira howlaha sharci ahaan maamulka Gobolka Benaadir loo xilsaaray sida soo ururinta cashuurha, bixinta dhul, dhisidda suuqyo cusub, bilicada magaalada, nidaaminta gaadiidka dadweynaha iwm.

Xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya (25 Jan 1991-2011)

Xilligaan intiisa badan dalku wuxuu ku jiray fowdo ka dhalatay dagaalada sokeeye ee u dhaxeyay hoggaamiye kooxeedyada ku loolamaayay hanashada xukunka dalka.  Xilligaan Muqdisho waxaa ku dhacay burbur kii ugu weynaa oo taariikhdeeda soo mara. Waxaa la burburiyay dhamaan dhismayaashii guud ee hay’adaha dalka, xarumahii dowladda, dugsiyadii, cisbitaaladii, hoteladii, hay’adii korontada, biyaha iyo wadooyinkii oo dhan. La barakiciyay qayba ka mid ah dadkii degaanka asal u ahaa iyo kuwa kaleba.  Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay dagaal xagga awoodda iyo gacan ku haynta oo dhexmaray qabaa’ilka USCda ee isugu soo haray magaalada.

Xukuumaddii TFGda ee lagu dhisay Kenya waxay ballan qaaday in ay soo saarto sharci gaar ah oo lagu dhaqaayo caasimadda (qodobka 5.Faqrada 2 ee Axdiga ku meelgaarka ah sanadka 2004),- (waxaa si la mid ah loogu sheegay axdigii ku meelgaarka ahaa ee DKM ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 kii )-waxayna u saartay guddi arintaas ka soo shaqeeya.

Guddiga waxay ahayd hawshiisu isagoo raacaya Axdiga KMG ee TFGda in uu soo diyaariyo hindise sharci maamul ee caasimadda, kaddibna soo bandhigo si la tashiyo loola sameeyo dadka deegaanka iyo Soomaalida deggan caasimadda iyo xukuumadaba.

Nasiib darro arrintaas waa shaqeyn weysay sababo farsamo awgeed, qalaaqal siyaasadeed oo xiligaa taagnaa, iyo sidoo kale iyadoo nidaamka dowladeed ee lagu wado in Soomaaliya lagu dhaqo oo ah federaal, wixii saldhigga u noqon lahaa oo ah dastuur federal ah aan weli lagu heshiin.

9 Sept 2012 ila xiligaan – Dhalashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Xiligaan waxaa maamulka iyo maaraynta Gobalkaan Banadir faraha ku haaya Dowladda Federaalka, taas oo fursad siineeysa inuu shacabka ee degaan gobol walbo kasoo jeedo dhisto gobolkiisa Gobolkaana yahay tirsigiisa 18 Gobol.

Waxaa Horay u dhisnaa dawlada Goboleedka Puntland. Waxaa ka gadaal la dhisay Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed sideey doonaan ha ku dhismeene hada waxaa dhismihiisa la hadal hayaa Hiiraan/Jowhar.

Sanadkii 2016 bishii Febrayo ayaa waxa Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaa Baarlamaanka dawlada Federalka ee Soomaaliya ayaa Dastuurka dalka dib u eegis ku sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article 9, Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Maqaam u gaar ah waxaana laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:

1) Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed).
(3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqon-karto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaarsato.
(4) Maamulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wadashaqeynta sida uu qorayo Dastuurka.
(5) Si gaar-ah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari- doona xaalada Muqdisho. Maanta halkaas ayey mareeysaa la soco Qaybta 2aad

Maadaama aan ka soo hadalnay taariikh siyaasadeedka,Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaan waxaan hadana eegaynaa madaama la qaatay qaab federal ah (Maaxaa loola jeedaa Maqaamka Magaalada Muqdisho aay yeelaneeyso) maxaaysa tahay aragtideeyda ku aadan Maqaamka Muqdisho.

Lasoco qaybta 2aad

Allaa wax og!

Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.so
www.somaliweyn.com
www.yassinmahimallin.com
http://yassin-mahi.blogspot.se

FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hamigii Hayaankeeygii iyo riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo bixi doono , Yaasiin Maaxi waa aasaasaha iyo Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP una sharaxan tartanka Madaxtinimada Dawlada Federalka Soomaaliya 2016. Qoraaga waxaa lagala xiriiri karaa maaxi@hotmail.com