Xog: Khilaaf xildhibaanada 2016 ku saabsan oo Puntland ka taagan

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in is fahan’waa uu ka dhex aloolsan yahay Madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas iyo Odayaasha dhaqanka maamulka.

Is fahan’waaga ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka uu wakhtigiisa dhamaaday, kadib markii Gaas uu si cad u qaadacay in Xildhibaanada qaar ee hadda ka tirsan Baarlamaanka guud ee dalka dib loogu soo daro Xildhibaanada hadda imaan doona.

Madaxweyne Gaas ayaa diidan in Odayaashaasi uu ka aqbalo Xildhibaanada ay dib usoo celinayaan, halka Odayaashuna ay ku adkeysanayaan in Gaas uu ka aqbalo Xildhibaanada.

Gaas waxa uu Ergooyinka ku cadaadinayaa inay la imaadan Xubno ku cusub Siyaasada si ay ugu jilicsanaadan la shaqeynta maamulka dhismahooda kadib, waxaana arrintaasi ka biya diidan Odayaasha.

Gaas ayaa doonaaya in Baarlamaanka cusub ee DFS uu ku darsado Xildhibaano isaga adeecsan, waxa uuna ujeedkiisa ugu weyn yahay inuu liijaanka u hayo, haddii ay is khilaafan dowlada cusub ee imaan doonta.

Gaas ayaa doonaaya in Xildhibaanada cusub uu u adeegsado danihiisa Siyaasadeed, si uu loolan Siyaasadeed ula galo dowlada cusub ee imaan doonta.

Odayaasha oo siyaabo kala duwan ula hadlay Gaas ayaa hadana waxa ay u muuqdaan kuwo ku jahwareersan Siyaasadaha uu dheelaayo Gaas.

Gaas ayaa dhowr jeer Xildhibaanada Puntland ugu jira Baarlamaanka Somalia uga yeeray magaalada Garoowe, kadib markii ay is khilaafen isaga iyo Madaxweynaha uu xilka ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com