Xog: Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo diiday arrin loo soo jeediyey oo sharaftooda dhaawici lahayd

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaareihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sharaftooda iyo sumcaddooda dhowrtay iskana diiday inay ku biiraan kooxda mucaaradka DF ee Xamar ku sugan.

Kooxdan oo la baxay isbaheysiga isbeddel sameynta ayaa dad badan u arkaan koox u dhisan carqalad iyo fowdo ee mucaaradnimadeeda dowladda aysan ahayn wax sixid iyo wanaagga dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariif iyo Farmaajo ay diideen codsi uga yimid kooxdan oo ahaa inay ka mid noqdaan isbaheysigan, ayaga oo ku adkeysatay in musharaxnimadooda ay ahaan doonto mid gaar ah oo aan cid kale ku xirneyn.

Waxaa wararku ay sheegayaan in labada mas’uul ay dareemeen in habdhaqanka kooxdan uusan ahayn Soomaalianimo iyo danta dalka iyo dadka, balse ay ku saleysan tahay mid shaqsiyeed.

Waxaa kooxdan ku jira rag badan oo ay ka mid yihiin Tarsan, Cabdi Weli Sheekh Axmed, Dr. Baadiyow, Axmed Macallin Fiqi, Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale.

“Shariif iyo Farmaajo waa dad ka caqli iyo xikmad sarreeyaa kuwan, waana ku faraxsanahay inaysan dooran inay kooxdan ku biiraan” waxaa sidaas yiri Prof. Cabdiraxmaan Xuseen oo ku sugan Muqdisho, islamarkaana fallanqeeya siyaasadda.

“Mucaaradnimada lama diidana, balse waa inay noqotaa mid wax lagu saxayo. Kuwan waxay habeen iyo maalin aflagaado iyo buuq la daba taagan yihiin dowladdii ay ka tirsanaayeen. Muxuu yahay qaladka ay hadda arkaan oo aan u muuqan markii ay xilalka hayeen” ayuu si raaciyey.

Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa la filayaa in dhowaan ay si gooni gooni ah ugu dhowaaqaan musharaxnimadooda, ayaga oo ku wajahan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com