Xog: Yaa DF u matalaaya dacwada badda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Hague ee dalka Holand u duulay Wafdi uu hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somalia Dr Axmed Cali Daahir.

Wafdigaani ayaa magaalada Hague uga qeybgali doona furitaanka Dacwada Badda ee u dhexeysa dowladaha Somalia iyo Kenya taasi oo maalinta Berri ah ka furmi doona magaalada Hague.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in socdaalkooda magaalada Hague uu yahay mid salka ku haya Dacwada Badda, waxa uuna sheegay in Dacwadaasi ay guul uga soo hooyan doonto Somalia.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in berito ay bilaabanayso arimaha la xiriira Dacwada, balse arinta beri loo fariisanaayo ay tahay is hor istaag dowlada Kenya ay ku sameysay sii socoshada Dacwada Badda.

”Dacwada maalinta beri ah furmi doonta waxa ay la xiriirtaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto, waayo dowlada Somalia horay ayay u sheegtay inaanu wadahadal laga gali doonin arrimaha Badda Somalia”

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Qaranka Somalia iyo Kan Kenya ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan Khudbado khuseeya Dacwada badda ee labada dal ka dhaxeysa.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Maxkamada Hague ay ka rajeynayaan Guul, waxa uuna meesha ka saaray in Dacwada ay kusoo fooraarsan doonto Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com