Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo Jeneraal Goobaale oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

General Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo ahaa Taliyihii Guutada Saddexaad ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeryooday Qaraxan lala eegtay Gaari mid ka mid ah Gawaaridiisa, waxaana sidoo kale ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Gen. Goobaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com