Galmudug oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay Gool laag kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug.

Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho.

Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah.

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho.

Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug.