27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Golaha Wasiirada Israel oo ansixiyey qorshe lagu wada qabsanayo Marinka Gaza

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Israel ayaa ansixiyay qorshe ballaaran oo lagu fidinayo hawlgallada milatari ee ka socda Marinka Gaza, kaasoo ay ku jirto “qabsashada” dhulka Falastiiniyiinta, sida uu Isniin sheegay sarkaal sare oo Israeli ah.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay heegan geliyeen tobannaan kun oo askar kayd ah si ay uga qeyb qaataan duullaanka.

Go’aankani wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ay si isdaba joog ah uga digeen musiibo bini’aadannimo oo ka sii daraysa Gaza, halkaasoo mar kale macluul laga cabsi qabo, kadib in ka badan laba bilood oo xayiraad buuxda ah oo Israel kusoo rogtay gobolka.

Sida uu sheegay sarkaalka, qorshaha uu goluhu ansixiyay xalay wuxuu sidoo kale ku jiraa haynta dhulalka Gaza ee go’doonsan, wuxuuna qayb ka yahay dadaalka Israel ay ugu jirto in dadka reer Gaza ay isaga baxaan dhulkooda.

Israel ayaa 18-kii Maarso dib u billowday hawlgalladeeda weyn ee Gaza, kadib markii wadahadalladii xabbad-joojinta laba bilood socday uu hakad ku yimid. Dagaalkan ayaa salka ku haya weerarkii kooxda Xamaas ay qaaday bishii Oktoobar 2023.

Tan iyo markaas, Israel waxay fulisay duqeymo culus oo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ka socda guud ahaan Marinka Gaza. Isniintii, kooxaha gurmadka ee Gaza waxay sheegeen in ugu yaraan 19 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay waqooyiga gobolka.

Sarkaalka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu “ka mid yahay qabsashada Marinka Gaza, haynta dhulka, iyo raridda dadka Gaza u guuraan koonfurta si loo sugo ammaankooda”.

Inta badan dadka Marinka Gaza waxay horey ugu noolaayeen waqooyiga gobolka, gaar ahaan magaalada Gaza. Ku dhowaad dhammaantood ayaa barakacay ugu yaraan hal mar tan iyo markii dagaalku billowday.

Golaha ammaanka, oo ay xubno ka yihiin Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirro kale, ayaa si mid ah u meel mariyay qorshaha lagu doonayo in lagu jebiyo kooxda Xamaas iyo lagu soo furto la haysteyaasha wali ku sugan gudaha Gaza.

Sarkaalka ayaa xusay in qorshuhu uu ku jiro “weerarro xooggan oo lagu beegsanayo Xamaas”, balse uusan faahfaahin nooca weerarradaasi noqon doonaan.

La-haysteyaasha oo halis galaya

Maalintii Axadda, Taliyaha ciidamada Israel General Eyal Zamir ayaa sheegay in tobannaan kun oo ciidamo kayd ah la isugu yeeray si loo ballaariyo weerarka.

Warbaahinta Israel ayaa ku warrantay in qorshahan uusan dhaqangelin doonin ka hor safarka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu toddobaadka dambe ku tegi doono gobolka.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa Axaddii sheegtay in ugu yaraan 2,436 qof lagu dilay tan iyo markii Israel dib u billowday duullaankeeda 18-kii Maarso, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay dagaalka ka dhigeysa 52,535.

Weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa sababay dhimashada 1,218 qof oo Israeli ah, badankoodna ahaa rayid.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa sidoo kale afduubtay 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Gaza. Milatariga Israel ayaa sheegay in 34 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen.

Israel ayaa sheegtay in ujeeddada dagaalka cusub ay tahay in lagu cadaadiyo Xamaas si ay u sii dayso la haysteyaasha haray, hase yeeshee dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay, iyadoo ehellada dadka la afduubtay ay ku eedeeyeen dowladda in ay “hurayso” nolosha la haysteyaasha.

Sidoo kale, sarkaalka dowladda Israel ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu “sii wadayo horumarin” qorshe uu wado Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku baaqaya in dad reer Gaza ah ay si iskood ah ugu guuraan waddamada dariska ah sida Masar ama Urdun.

Hindisahaasi waxaa si adag u diiday Qaahira, Ammaan, dowlado kale oo Carbeed iyo sidoo kale Falastiiniyiinta laftooda. Hase yeeshee, wasiirro Israeli ah ayaa si xamaasad leh uga shaqeynaya hirgelinta fikraddaas.

Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaa bishii Febraayo sheegay in la dhisi doono hay’ad gaar ah oo loogu talagalay “ka guuritaanka iskaa ah ee dadka Gaza”.

Cadaadis siyaasadeed

Golaha ammaanka ee Israel ayaa sidoo kale habeenkii xalay oggolaaday “in la furo suurta-galnimada qaybinta gargaarka bani’aadannimo, haddii loo baahdo”, si looga hortago in Xamaas la wareegto sahayda laguna wiiqo awooddeeda maamul.

Warbaahinta Axios ayaa Jimcihii daabacday in wakiillo ka socda Maraykanka, Israel iyo hay’ad bini’aadannimo oo cusub ay ka wadahadlayaan nidaam lagu daahfuri karo gargaar aan gacanta u gelin Xamaas.

Isbahaysi ka kooban hay’ado Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka oo ka howlgala Gaza ayaa ku eedeeyay Israel in ay doonayso in la xiro nidaamka gargaarka ee hadda shaqeynaya, iyadoo ku khasbeysa hay’adaha in ay sahayda marsiiyaan xarumo Israeli ah oo leh xeerar ay ciidamada Israel dhigeen.

Qoraal ay soo saareen kooxda Humanitarian Country Team ee Gaza ayaa lagu sheegay in qorshahani uu “ka hor imanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee gargaarka bini’aadannimo”, isla markaana u muuqdo mid lagu cadaadinayo dadka shacabka ah iyada oo la adeegsanaayo sahayda nolosha lagu nool yahay.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ayaa si cad u sheegay in aanu ka qayb qaadan doonin wax nidaam ah oo noocaas ah,” ayay warbixintu tiri.

Xamaas ayaa Isniintii sheegtay in nidaamka cusub ee ay Israel wado uu yahay “cadaadis siyaasadeed”, waxayna dowladda Israel ku eedeeyeen in ay sabab u tahay musiibada bini’aadannimo ee Gaza ka taagan.

Inkasta oo golaha wasiirrada Israel uu sheegay in “cunto ku filan” ay haatan ka jirto Gaza, haddana hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag uga digay saameynta daran ee xayiraadda ay ku yeelatay dadka 2.4 milyan ah ee halkaas ku nool.

Sawirro uu baahiyay AFP ayaa muujinayay dad tiro badan oo isugu soo baxay jikada samafalka ee Gaza dhamaadkii toddobaadka, iyagoo raadinaya cunto.

- Advertisement -

Read more

Local News