Golaha Wasiiradda oo deg deg ku ansixiyay heshiis shidaal qodis oo lala galay dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista shidaalka iyo gaaska.

Heshiiskan oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxa uu qodobada ugu muhiimsan ee ku jira uu dhigaya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale waxay Soomaaliya ka taageeri doonta sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah, sida lagu yiri heshiiska labada dhinac,

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo in ay ka maaranto deeqadaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey xeer nidaamiyaha diiwaan-gelinta dadweynaha iyo aqoonsiga qaranka iyo wax ka beddelka hindise-sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha uu hakiyay heshiis shidaal baaris oo lala galay shirkad Mareykan oo lagu magacaabo Liberty Petroleum.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey heshiisyo shidaal baaris iyo soo saaris ula gashay shirkado iyo dowlado ay ugu dambeysay Turkiga, iyada oo weli aan la bilaabin qodista ceelasha goobaha la cayimay.