Guddoomiyihii degmada QORYOOLEY oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Sayid Cali Ibraahim.

Qaraxa ayaa la sheegaya in uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, wuxuuna ka dhacay meel aan ka fogayn maqaayad u dhow bundada degmada Qoryooley.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sidoo kale qaraxaas ay ku geeriyoodeen qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha la socotay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa amaanka degmada Qoryooleey ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi kasoo qaaday meydka Guddoomiye Sayid AUN iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Guddoomiyaha ayaa hoggaaminayey degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in ciidan boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan.

Mas’uuliyadda dawlada Soomaaliya ayaa cambaareeyey dilkan.

Qaraxyada noocan oo kale ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda, kaasi oo la xiriira qaraxa lagu dilay guddoomiyaha.