Daawo: XASAN SHEEKH oo dalab la xiriira kacdoonka Al-Shabaab u jeediyay culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay door muhiim ah ka qaataan kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay baneysteen dhiiga umadda Soomaaliyeed, ayna tahay in la iska dhiciyo oo gebi ahaanba laga ciribtiro guud ahaan dalka.

“Dowlada iyo Xasan Sheekh toona ugu hiilin maysaan ee umadda 20-ka Milyan ee Soomaalida ah ayaa ugu hiilineysaan inay cisi iyo karaamo ku noolaadaan. Dadka Soomaaliyeed waaye waxa aan isku haysano nimankaan (Al-Shabaab),” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowlad ahaan ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab iyo in dalka laga xoreeyo, sidaas darteedna ay rabaan in culimada Soomaaliyeed si weyn uga qeyb qaataan kacdoonka dagaal ee socda.

“Nimankaan waxay wadaan Diin ma aha wixii ay rabaan ee kale ha la baxaan. Intiina meesha fadhida hadey taladood tahay midkiin ma noolaan laheyn maanta, fursad hadey u heli karaan Sheekh Bashiir qoorta ayey ka goyn lahaayeen laakiin waxa ka asal ah in aad dhaafeyn maalintaada.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxa uu culimada ka dalbaday inay dowladda ku garab istaagan sidii lacagaha ganacsatada looga jari lahaa argagixisada, islamarkaana ay uga dhaadhicin lahaayeen in naftooda aysan ku badbaadsan kareyn lacagta baada ah ee ay siinayaan Al-Shabaab.

“Sidii aan ahaan jirnay haddii aan ahaano wixii aan heli jirnay ayaa helayna, wixii aan heli jirnayna nama anfacayaan oo waa soo aragnay waa soo taabanay, waxaa rabna wixii hore wax ka duwan, si taas u helnana waa in aan si ka duwan u dhaqano.”