Sawiro: Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan DF Soomaaliya oo gaaray furimaha dagaalka

Buula Burde (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiye Salaad Samatar ayna qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye, Xildhibaan Maxaamed Xasan Nuux &  Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa, iyaga oo ku labisan Tuutaha ciidamada gaaray Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, Saraakiil Ciidan, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaannada gaaray degmada Buulo-Burde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay tagayaan furimaha dagaalka.

Waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay yihiin kuwo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay in hal meel looga wada soo jeesto si uud ahan dalka looga saaro.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay tagaan furumaha dagaalka ka socdaan, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka doogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo isku dhinaca ah iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan Saraakiisha hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale booqan doona deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab si ay u soo wareestaan dadka ku sugan deegaannadaas.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maalinimadii shalay howlgallo ka sameeyay Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan oo uu ka dhacay dagaal socday in ku dhaw 10 Saac, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa isu furay waddooyin sanado go’doonsanaa.