Booliska G/Banaadir oo taliye cusub loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta magacaabay taliyaha qaybta guud ee  Booliska gobolka Banaadir, kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiikiisa.

Xijaar ayaa xilkan u magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo ku magac dheer (Macalin Mahdi), kaas oo beddalaya taliyihii dhowaan la dilay ee Farxaan Qaroole.

Wareegtada ayaa lagu faray  taliyaha cusub inuu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, ayada oo sidoo kale la amray saraakiisha kale Booliska inay la shaqeeyaan.

Muumin ayaa ka soo jeeda Galmudug, waxaana maalmihii dambe aad loo hadal hayey in loo wado xilkan, isaga oo taageero ka helayey, Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale, qorshahaas oo ugu dambeyn guuleystay, maadaama maanta lagu dhowaaqay magacaabistiisa.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa horey usoo noqday taliyaha nabad sugidda Galmudug, isaga oo ka soo shaqeeyan Dhuusamareeb iyo deegaanno kale.

AUN Farxaan Qaroole oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ku dhintay qarax bishii hore ka dhacay deegaanka Basra oo uu u tegay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemay gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan waddanka.

Si kastaba, taliyaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada amniga caasimada oo haatan ah mid aad u liita.