UK ‘oo ku biireysa’ dagaalka lagula jiro AL-SHABAAB

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhowaaqday taageero cusub oo ay fudineyso Soomaaliya oo haatan wajaheyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaaro baahsan oo ku dhuftay dalka kadib wadahadal khadka taleefoonka ah oo ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha arrimaha dibbedda ee UK, James Cleverly.

Xoghayaha ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in UK ay ka qayb qaadaneyso dagaalka Al-Shabaab, ayna ku taageereyso dowladda Soomaaliya oo haatan howlgallo culus ka wada gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in illaa £50 milyan oo lacagta Ingiriiska ah inay ugu deeqeen Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in lagu taageero shacabka tabaaleysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee caafimaadka

Dhankeeda dowladda Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay deeqdan, waxayna sheegtay in ay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa, maadaama ay dalka ka jiraan xaalado isbiirsaday.

UK ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababaro ay siisaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Horey waxaa dowladda dhexe ay u shaacisay in howlgallada socda ay ka qayb-qaadanayaan dowladaha Turkiga & Mareykanka oo hawada ka taageeraya ciidanka Xoogga.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo xoogeystay todobaadyadii dambe iyo xaalado bani’aadanimo oo ka jira dalka.