Xog: Cali Yare oo wada-hadal kula jira VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali uu wada-hadallo bayco siyaasadeed ah kula jiro madaxtooyada Soomaaliya.

Cali Yare oo si indha la’aan ah u taageera madaxweynihii hore dalka Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa shan bilood kadib bixitaankii Farmaajo weli sii haya xilkiisa, xilli la filayey in xitaanu toddobaadyo ka dambeyn doonin. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cali Yare Cali iyo xubno aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ay wada hadalo maalmo socda ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo haddii ay wada hadalladaasi soo xermaan la filayo in Cali Yare Cali uu kusoo biiro kooxda hoggaanka dalka haysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in wada hadaladaasi ay hoggaanka u hayaan siyaasiyiinta beesha Habar-gidir ee Xasan Sheekh aadka ugu dhow iyo xubno kale oo xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Cali Yare Cali uu aqbalay soo jeedin ka timid Villa Somalia, isla markaana uu ka tanaasulay eedeymaha iyo xad-dhaafka iyo mucaaradnimada madaxda dowladda, taas badalkeedna loo balan qaaday in lagu abaal marin doono wax u qalma oo uu ku qanacsan yahay.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Cali Yare Cali oo booska gobolka Banaadir awood qeybsi ahaan horay ugu fadhiyay laga wareejin doono, islamarkaana jago kale oo uu ku qanacsan yahay loo balan qaaday, walow aan weli la aqoon waxa ay tahay.

Xubno uu ka mid yahoo Mahad Salaad, Guddoomiye Yuusuf Madaale, Ra’iisul Wasaare Xamse, Axmed Macallin Fiqi, Abshir Bukhaari iyo xubno kale ayaa si weyn ugu shaqeeyay wax ka badalka mowqifka Cali Yare Cali.

Qoraal uu shalay bartiisa Facebook soo dhigay ayuu si weyn amaan ula dul dhacay madaxda hoggaanka dalka haysa xiligaan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay qorax joog isla jaan qaadi kara oo is aaminadooda ay aad u sareyso.

Wuxu si gaar ah u xusay madaxweynaha oo uu ku tilmaamay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo uu si gaar ah abaal ugu haayo iyo agaasimaha NISA Mahad Salaad oo uu tilmaamay inuu saameyn ballaaran leeyahay, xildhibaanimada uu ku matalo. Cali Yare Cali ayaa sidoo u mahad celiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Yuusuf Madaale oo uu sheegay inuu kalsooni gaar uu tusay.

“Aniga qayaasteyda rajada ugu weyn ee laga qabi karo saaxiibada talada dalka ku guuleystay waa in ay yihiin rag dhammaantood wada Qaranjoog ah oo aan qurbaha ka imaan, sidoo kale badankood ay qibrad u leeyihiin xafiisyada ay hadda tageen oo ay horay u soo maamuleen sida xafiiska Madaxweynaha iyo kan Gobolka Banaadir iyo tan ugu danbeysa oo ah in ay yihiin rag muddo fog isla soo wada qariibay oo heerka is-aaminaad ee dhexdooda yaala ay aad u sarreyso,” ayuu yir Cali Yare Cali oo ka faaloonayay booqasho uu xafiisyada gobolka booqday Isniintii ra’iisul wasaare Xamsa, isla markaana uu kula kulmay xafiiska siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir.

Cali Yare Cali ayaa horay ugu mid ahaa jamaahiirta mayalka adag ee kooxda Nabad iyo Nolol, isagoo lagu xusuusto mowqifkiisa mayalka adag ee uu ku taageeri jiray N&N, waloow maalmahaan isbadal laga dheehan karo qoraaladiisa.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online, London