Faahfaahin: Dagaal culus oo ka socda gobolka HIIRAAN

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta markale uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Ceel Macaan oo u dhow degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, isla-markaana saaran waddada laamiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo rasaas xoogan laga maqlayo deegaanka Ceel Macaan iyo agagaarkiisa.

Dagaalka ayaa daba socdo howlgal ay shalay deegaankaas kula wareegeen maleeshiyaadka Macawiisleyda, waxaana kadib dagaal rogaal celis ah soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo halkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta & Shabaab, wuxuuna shalay dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay ka qaybaleen ciidanka Jabuuti ee ku jira ATMIS.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay howlgalladii ugu dambeeyey ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lag saaray deegaano horleh.