Guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Falastiiniyiinta + Video.

Golaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyay inuu u damaanad qado dadka reer Falastiin maqaamka “Dal aan xubin ahayn oo goobjooge ka ah QM” (non-member observer state status). Haddaan arrintan xooga jilcino, waxa loo aqoonsaday waa “Dal, balse aan xubin ka ahayn QM, oo  goobjooge un ka ah”, Tusaale sida Vatican-ka.

Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabas ayaa u sheegay golaha in codka uu ahaa “fursaddaii ugu dambeysay ee lagu bad baadinayo xalka laba dal oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israel”.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobe Ron Prosor ayaa sheegay in tallaabadaas aysan hore usii qadeyn nabadda, balse ay gadaal u celin doonto.

Golaha ayaa qaraarka ku ansixiyay cod ah 138-9, ayada oo 41 dal ay ka aamuseen. Kuwa mucaaraday waxaa ku jira Mareykanka iyo Israel, balse diidmadooda waxba ma hor istaagin.

Waxaa xusid mudan in haddii codka uu qaadi lahaa golaha ammaanka, Mareykanka uu awood u yeelan lahaa adeegsida codka Veto-ga, hase yeeshee, Golaha Guud kama shaqeeyo cod veto.

Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Ramallah, ee daanta Galbeed, ayaga oo faraxsan.

“65 sano ka hor maanta oo kale, Golaha Guud ee QM, ayaa soo saaray qaraarka 181, kaasi oo dhulkii taraiikhiga ahaa ee reer Falastiin u kala qeybiyay laba dal, kaasina waxa uu noqday Warqadii Dhalashada Israel” ayuu yiri Madaxweyne Cabbas.

“Haddana maanta Golaha Guud, waxa uu soo saaray waqraddii dhalashada Falastiin”.

Mareykanka iyo Israel waxa ay ku doodayaan in Dal ay yeeshaan Falastiin lagu raadiyo oo kaliya wada hadal lala galo Israel.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa codka ku tilmaamtay “Mid nasiib darro ah, oo aan wax ku ool ahayn”, ayada oo sheegeysa inuu caqabad ku noqon doono waddada nabadda.

Tallaabadan ayaa u ogolaan doonto Falastiiniyiinta inay ka qeyb galaan doodaha Qaramada Midoobe, ayna horey usii qaadaan fursadaha ay ugu biiri karaan hay’adaha Qaramada Midoobe, sida Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Ka dhiibo fikirkaaga sida ay arrintan kuula muuqato.

Sidoo kale daawo Video sida jawigu ahaa markii ay ansixintu dhacday