Hoobiyeyaal lagu garaacay Stadium Muqdisho oo ay ka socotay cayaartii lagu furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno garoonka kumadda cagta ee Stadium Muqdisho waxa ay sheegayaan in hada ay ku bilaawdeen hoobiyeyaal, iyadoo ay ka socoto cayaartii ugu horeysay oo lagu furay gabal dhicii galabta.

Laba kooxood oo lagu furay garoonka ayaa ku cayaareysay caawa, waxaana mar qura laga war helay hoobiyeyaal ugu soo dhacaya si isdaba joog ah, iyadoo ay durbadiiba hawada ka baxeen telefishinadii u tebinayey cayaarta sida tooska ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhowr madfac ay ku soo dhaceen garoonka iyo xaafadaha ku teedsan, welina lama oga khasaaraha ka dhashay, waxayna cabsi badan soo jawahday dadkii ku sugnaa garoonka oo cayaarta daawanayey, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin iyo dad shacab ah oo cayaarta u daawasho tegay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho, kadib markii lasoo gebagebeeyey dib u dayactir lagu sameeyay, maadaama garoonku ka mid ahaa goobihii danta guud ee burburka baahsan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka isla galabta ka daah furay cayaartii ugu horeysay oo ka dhacda mudo ku siman 16 sano kadib, waxayna dhex mareysay kooxaha Horseed iyo MCC Minishiibiyo, waana labada koox ee ugu sareeya heerka kala sareynta Horyaalka Soomaaliya.

Dad ku sugan garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in intii ay socotay cayaartu ay garoonka ku soo bilaawdeen hoobiyeyaal, aan la garaneyn jihada ay kasoo dhacayaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Hoos ka Daawo muuqaal kooban oo la duubay xilliga ay soo dhacayeen hoobiyeyaasha.