Deg deg: Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo rasaas ku dilay Xildhibaan ka tirsan Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goordhow Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka galmudug.

Marxuumka ayaa waxa uu ku dhaawacmay rasaas lagu furay Gaari uu watay xili uu marayay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zayidka ee Magaalada Muqdisho kadibna uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Rasaasta ku furay Gaariga Xildhibaanka ay ka mid yihiin Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya in kastoo aanan weli Magaciisa la helin.

Weli macada sababta ka dambeysa rasaasta lagu furay Gaariga xildhibaanka,waxaana Warar ay sheegayan in ay kala shakiyeen.

la soco Faahfaahinta oo dhameystiran goor dhow