Deg-Deg-Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Oo dib xuriyadoodi uhelay

Muqdisho-Caasimada Online)-goordhaw ayay ahad markii Ciidamada nabadsugidda dowladda soomaaliya  aya  xabsiga dhigeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali oo labaduna oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbigaasi.

Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay in ay xoriyadoodii dib u heleen Kamal Gutale gudoomiyaha xisbiga Wadajir iyo Sayid Cali Macalin Cabdule xoghayaha xisbiga Wadajir, Shakuur wuxuu ka mid yahay madaxda xisbiga Wadajir.
Labadaan nin ayaa waxaa maanta Muqdisho ku xiray ciidamadda Nabad Sugida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com