Sawirro: Ciidamada ammaanka Puntland oo soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa

Boosaaso (Casimadda Online) – Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta waxa  ay magaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku soo bandhigeen Hub iyo waxyaabaha qarxa.

Hubkaan ayaa waxaa lasheegay in ciidamadu soo qabteen kadib howlgal ay sameeyeen maant hubkaan ayaa waxa uu ka koobanyahay Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Rasaasta Madaafiicda.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo ay Warbaahinta ugu qabteyn halkaas  ayaa  sheegay in ay hayaan ragii watay waxyaabaha qarxa iyo hubka baritaana uu ku socdo dhawaana Warbaahinta u soo bandhigi doonan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale ayaa sheegay in howlgallo kale ay weli socdaan waxyaabihii lagu soo qabtana sidaan loo soo bandhigi doono.

Saraakiishu kama aysan bixin faah faahin kale oo intaasi ka badan balse waxaa xusid mudan in todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada puntland ay howlgallo ka wadeen Xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Boosaaso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com