Mahad salaad oo xarigii loo gaystay Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali ku tilmaamay mid kalilitalisnimo ah

Ciidamada dowladda soomaaliya  ayaa goordhaw  xabsiga dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali oo labaduna oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbigaasi.

Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

xilibaan mahad salaad ayaa canbaareeyay falka ay ciidamada nabadsugidda kula kaceen masuul ka tirsan xisbiga wadajir  Xilibaanka oo firiin uu soodhigay bartiisa facebooga waxa uu kusheegay in uu yahay mid shaci daro ah

” Waa wax aad iyo aad looga xumaado in dalka dib loogu celiyo nidaamkii kaligiis taliyaha ahaa. Waxaa sidoo kale ayaan daro labaad ah in ciidamadii amniga ee loo tababaray difaaca shacabka iyo la dagaalanka cadowga in loo adeegsado caburinta siyaasiinta iyo burburinta nidaamka dimuquraadiga ah ee ka hano qaaday Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay” ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com