Deg deg: Xubno sare sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo la xiray iyo xaaladda oo..

Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiye u yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xireen Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali oo labaduna oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbigaasi.

“Waxaa goordhow ciidanka Nabadsugida ee NISA xarig sharci daro ah u geysteen Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Sayid Cali Macalin Cabdulle. Ciidanka xariga gaystay waa kuwii soo weeraray xarunta Xisbiga 17 December. Waa ayaan daro in sharcigii iyo dawladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kamaal Guutaale iyo sidoo kale Sayid Cali ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dacwad ka dhan ah Mas’uuliyiin ka tirsan oo ku aadan weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com