Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta ku dhawaaqay laba hindise oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada.

Madaxweyne Xasan ayaa ku dhawaaqay Hindisaha shaqo abuur Qaran iyo hindisaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo xooga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay siin-doonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo bulshada Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyey inay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeena iyo dadkeena.