25.9 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Mareykanka oo sheegtay duqeyntii ka dhacday Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegtay mas’uuliyadda duqeyn culus oo 13-kii bishaan ka dhacday agagaarka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, taas oo dhalisay khasaare leh dhimasho.

AFRICOM ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay kala kaashatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, taliska ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaciisa iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Sheegashada Mareykanka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Cali Cabdullahi oo la dhashay marxuumka ayaa horay uga hadlay, sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in walaalkiis oo kaliya uu la socday gaariga, isla markaana lagu dhuftay 3 gantaal oo waa wayn.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dad reer miyi ah oo goobta ka ag dhawaa ay arkeen sida uu weerarka u dhacay, isla markaana uu xaqiijiyay in Caaqilka kaligii la beegsaday.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Dhankeeda Puntland oo deegaanka ka arrimisa ayaa weli wadda baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, waxayna warbixin hordhac ah ay horay ugu sheegtay in duqeynta dhacday lagu dilay nabadoonka, ayna meesha ugu tegtay maydka marxuumka iyo gaariga oo isku basbeelay.

Si kastaba, Dhacdadan waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News