DEG DEG : Mid ka mid ah wasiir ku-xigeenadii la magacaabay oo is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho mid ka mid ah wasiir ku-xigeenadii shaley uu magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Abuukar Xasan Cali oo loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay ku sheegay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay shaley.

Wuxuu ku sabaabeeyay is-casilaadiiisa, kaddib markii uu la tashaday wax-garad iyo aqoonyahano ka soo jeeda beeshiisa, kuwaaasoo ku wargaliyay in xilka loo maagaabay isaga uusan u qalmin sida uu hadalka u dhigay.

“Kaddib kulamo aan la yeeshay wax-garadka iyo odayaasha beesha aan ka dhashay ee dal iyo dibadba jooga waxaan go’aan ku gaaray in aan beesha u qaadin wax aysan u-qalmin, sidaa darteed waxa maanta oo  Jimca ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 14/12/2012-ka inaan iska casilay xilkaas, isla markaana waxa barrito warqaddeyda istiqaalada u-geyn doonaa ra’iisal wasaaraha.” ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.

Waa wasiir ku-xigeenkii ugu horreeyay ee shaaciyay in uu iska casilay xilka loo magaacabay, manna jirto wax war ah oo xukuumadda ka soo baxday oo ku aadan is-casilaada wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya.

Shaley ayey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu soo dhameestiray xukuumaddiisa, waxana uu magacaabay, shan wasiiru-dowle iyo 20-wasiiir kux-geeno.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhawaan soo dhisay xukuumad tira yer oo ka kooban illaa 10-wasiir, laakin wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku-xigeenada ayaa ah kuwa aad u badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho