NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Taakeeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaano (Taakeeye), kaas oo ku eedeysan inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah, isla-markaana liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa kale Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) loo haystaa inuu taageerayay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag ay kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Hay’adda NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan laga soo qabtay magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya

Sidoo kale NISA waxa ay sheegtay in Sheekh Taakeeye lagu bilaabay baaritaano la xiriirar cilaaqaadka kala dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo fikradaha Xagjirka ee uu ku baahin jiray baraha bulshada ee Internet-ka.

Waxaa kale NISA ay intaasi ku dartay inay sii wadi doonto beegsiga ay ku hayso xubnaha la shaqeeya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha iyo dibadda intaba

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa mar kale lagu yiro warsaxaafadeedka ay shaacisay Hay’adda NISA.

Waa ninkii labaad oo halis ah todobaad gudihiis ay gacanta kusoo dhigeyso Hay’adda NISA, waxaana Taakeeye ka horreeyay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo loo haysto inuu Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Shiinaha.

Abba-Sheekh oo isna ku sugnaa Nairobi ayaa dhowaan lasoo qabtay xilli uu ku sii jeeday dhulka kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.